Warbixin: Finalka Champions League ee Real Madrid vs Atletico Madrid, Tartan Kooxeedka Ugu Weyn Caalamka Oo Caawa Soo Xirmaya

CHAMPION

Milano-(Puntland Post) Indhaha Mucaashaqiinta kubada cagta ayaa ku sii jeeda magaalada Milano ee dalka talyaaniga halkaa soo uu ka dhici doono Caawa kulanka finalka Champions league oo ay ku kulmayaan kooxaha ku xifaaltama Magaalada Madrid ee Atletico Madrid iyo Real Madrid oo ay u joogaan qaar kamid ah  xidigaha ugu fiican aduunka.

Zinedine Zidane  ayaa doonaya in uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey isaga oo ah tababare koox weyn In uu koob sare qaado waxaana dhaawac uga maqan Raphael Varane oo seegi doonaa Euro 2016 kaddib markii laga reebay safka France.

Lucas Vasquez ayaa ka maqnaa kulankii ugu dambeeyey ee La Liga balse waxaa la filayaa in uu taam u ahaado ku lankan.

Dhinaca kale Diego Simeone waxa uu haystaa saf dhameystiran oo uu ku wajoho Real Madrid.

Ma Ogtahay

-Real Madrid ayaa gaartay final Champions League/ European Cup markii 14-aad, waana in ka badan koox kale.

Waxa ay badiyeen 10 ka mid ah finaaladaas – sidoo kale rikoorkooda waxaa kujira in ay badiyeen afartii Final ee ugu dambeyay (1998, 2000, 2002, 2014).

-Atletico Madrid waa markii saddexaad ee ay soo gaarto fiinaalaha Champions League/Europian League (1974 ,2014, 2016). Ilaa iyo hada labadii hore wey guu dareysteen (v Bayern Munich 1974; V Real Madrid 2014.

-Atletico ayaa badisay todoba ka mid ah 16kii kulan ee ugu danbeyay ee ay wajahday kooxda Real Madrid.

-Atletico ayaa badisay todoba ka mid ah 16kii kulan ee ugu danbeysay Real Madrid ay ku wajahday tartamada oo dhan.

-Waxaa Champions League/Europian League ku guuleysan doonta koox Spanish- ah markii saddexaad oo xiriir ah, waa tirada taxane ahaan ugu badan tan iyo markii ay kooxaha England qaadeen lix mar oo xiriir ah sanadihii u dhexeeyey 1977 ilaa iyo 1982.

-Ronaldo ayaa dhaliyay ama cawiyay 74% goolasha Real Madrid ay dhalisay xili ciyaareedkan waxaana uu doonayaa inuu jabiyo rikoorka gool dhalin ee uu hal xili ciyaareed ka dhaliyay Champions League.

-Atletico waxa ay ka badisay Real Madrid 7 ka mida 16-kii kulan ee isugu dambeeysay, dhamaan tartamada (5 bar bar dhac, afar waa laga badiyey).

 

Kulanka: Final Champions League

Garoonka: San Siro Stadium -Milano

Saacada: 9:45 PM  Geeska Africa

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid Line-up (4-3-3) Navas – Marcelo, Pepe, Ramos, Carvajal – Kroos, Casemiro, Modric – Bale, Benzema, Ronaldo.

Atletico Madrid Line-up (4-4-2) Oblak – Felipe Luis, Godin, Gimenez, Juanfran – Carrasco, Gabi, Koke, Niguez – Torres, Griezmann.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha Kulankaas Adag kala soco, www.puntland post.com

PUNTLAND POST