Ardayda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga

Muqdisho(Puntland Post)-Dawlada Soomaaliya ayaa maanta sanadkii labaad qaadaysa Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka afraad ee Dugsiga sare iyo Fasalka sideedaad ee Dugsiga Dhexe, Waxaana Imtixaanadan laga qaadayaa ardayda ku nool degaanada ay Dawlada Soomaaliya iyo Maamulada ay calaaqadka leeyihiin ganacta ku hayaan.

Wasaarada Waxbarashada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaarisay goobo kala duwan oo ay ardayda Soomaaliyeed Imtixaanada shahaadiga ku gelayaan.

Wasiirka Waxbarashada Dawlada Soomaaliya Marwo Khadro Bashiir Cali oo ku sugan Maraykanka ayaa Dawlada Federaalka ugu baaqday inay adkayso amaanka goobaha Imtixaanadkan lagu gelaayo, si loo ilaaliyo amaanka ardayda Imtixaanka u fadhiya iyo hawl-wadeenada imtixaanka.

Dawlada ayaa Ciidamo kala duwan geysay goobaha Imtixaanka, si loo adkeeyo nabad galyada goobaha Imtixaanka.

Dhawaan ayey ahayd markii ardayda Puntland uu usoo gaba-gaboobay Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland, sidoo kale Somaliland ayaa dhawaan qaadi doonta Imtixaan lamid ahaa kuwan.

Puntland Post