Barcelona Oo Xili Ciyaareedkii Labaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaystay Copa Del Rey

Madrid-(Puntland Post) Kooxda Barcelona ayaa ku guuleystay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh Copa del Rey iyagoo 2-0 ku garaacay kooxda Sevilla kadib markii ciyaar ay labada kooxood isku mariwaayeen taasi oo loo baahday waqtigii dheeriga iyada oo la bixiyay seddex kaar oo casaan ah.

Ciyaarta ayaa ahayd goolal la,aan ilaa 90 -kii daqiiqo ka dib,waxaana Barcelona ay ku ciyaareesay 10 Ciyaartow  ka dib markii Javier Mascherano uu qaatay  casaan dhamaadkii qeybtii hore iyadoo Savilla laga saaray Banega oo isna la siiyey  casaan qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa.

Barcelona ayaa ku guulaystay koobkeedii 28 aad ee Copa Del Rey, waxayna Sevilla kulankan ay 90 kii daqiiqo ee rasmiga ahaa ay soo badhigtay wacdaro aan la rumaysan karin balse waxay awoodi wayday in ay wax gool ah la timaado iyada oo 57 daqiiqo haysatay fursad fiican waana waqtigii ay Barcelona ahayd 10 ka ciyaartoy. Si kastaba nasiibka ayaan saacidin  kooxda Sevilla basle waxay saymaysay wax kasta oo ay guul ku gaadhi kartay.

Jordi Alba iyo Neymar ayaa Barcleona ukala dhaliyay goolasha ay guushan ku gaadhay Daqiidadihii 97-aad iyo 120-aad  wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray cayaaarta, sidaasna waxay Bacelona ku guulaysatay Copa Del Rey sanadkii labaad oo xidhiidh ah.

B1

B2
B7

B8

B3

B4

B5

PUNTLAND POST