Kooxda Sevilla Oo Xili Ciyaareedkii 3-aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulasytay Koobka Europa Leaque-ga

Basel-(Puntland Post) Kooxda Sevilla ayaa markeedii 3-aad oo xiriir ah hanatay koobka Europa Leaque-ga, kaddib markii ay kulankii finalka ee Basel ka dhacay ay 3:1 ku garaacday Liverpool oo dooneysey inay koobkan kusoo dhowayso Jurgen Klopp isla markaana ay ku timaaddo Koobka Horyaallada Yurub, laakiin riyadaasi haatan qarow ayay isu bedeshey.

Kooxda Liverpool oo goolka ku horreeysey waxaa daqiiqaddii 35-aad gool uu sidii caadada ahaydba uu ku dheeley dhaliyey Daniel Sturidge.

Laakiin isla daqiiqaddii 1-aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa goolkoodii bareejada la timid kooxda Sevilla oo ku taameeysey koobkoodii 3-aad ee Europa Leaque-ga oo xiriir ah, waxaana goolka u dhaliyey Kevin Gameiro, kahor intii uusan u labeeynin misna iyadoon loo jawaabin uusan u seddexeeynin laacibka Coke, daqiiqadihii 64-aad iyo tii 70-aad.
Kooxda Reds ayaa gebi ahaanba aan il la saarin qaybtii  2-aad ee ciyaarta iyadoo ay dadku is waydiiyeen waxa ka khaldamay.

Sevilla ayaa markeedii 5-aad guud ahaan sidaa ku hanatay koobka Europa League oo ay 3-dii sanee ugu dambayseyna ku guulaysatey waxayna Sevilla si toos ah ugu soo baxday heerka Group-yada Champions-ga.

savila2

savila4

savila5

savila6

savila7

savila8

Sevilla1

PUNTLAND POST