Wasiirka Haweenka Puntland oo dhagax dhigtay xarunta wasaradda Haweenka ee Degmada Taleex

DSC07935

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta oo tallaado ah gaaray magalada Taleex oo ka tirsan Gobalka Sool.

Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Taleex mamulka degmada iyo boqalaal ka mid ah dadka deggan degmada oo isagu jira ragg,haween iyo carruur, ujeedka socdaalkooda ayaa salka ku haya u guur galida xaalada deegaanka iyo dhagax dhiga xaruntii ugu horaysey oo ay wasaradda Haweenka ka hirgalinayso Taleex.

Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay ka mahad celinayso sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada, waxa kale ay tilmaamtay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha haweenka ee Taleex, maadama wasaraddu ay u addeegto dadka jilicsan sida haweenka iyo carruurta.

Inta ay ku sugan yihiin Taleex waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan haweenka degmada.waxayna ka xogwaraysan doonaan xaladooda iyo baahiyaha ka jira, wasiirka hawenka waxaa socdaalkan ku weheliya masuuliyiin ka tirsan wasaradda Haweenka iyo wasiir ku xigeenka wasradda Dekadaha iyo gaadiidka badda.