Maamulada ka jira Soomaaliya & Al-shabaab oo lagu eedeyey inay si isku mid ah u beegsadaan Saxafiyiinta

Saxafiyiin ka banaan-baxaaya Dil loo geystay Wariye Soomaaliye
Saxafiyiin ka banaan-baxaaya Dil loo geystay Wariye Soomaaliyeed

Warbixin maanta oo ay ku beegan tahay maalinta Xoryadda Saxaafiyiinta Aduunka 3,May,2016 ay soo saartay Hay’adda udooda xaquuqda Adamaha ee lagu Magacaabo Human Rights Watch ayey ku eedaysay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulada ka jira Gobalada iyo kooxda Al-shabaab inay isku si u cadaadiyaan una beegsadaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Dawlada Soomaaliya inay soo afjarto tacadiyada ay u geysanayaan Saxaafiyiinta Soomaaliyeed Ciidamada Dawliga iyo Kuwa Al-shabaab, si Soomaaliya looga helo Warbaahin xor ka ah cadaadis iyo baqdin.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Saxaafad xor ah, oo aysan haysan wax cadaadisa, siiba xiliga lagu jiro ololaha Doorashooyinka Sanadkan 2016” ayey qoraalkeeda ku tiri Human Rights Watch.

Hay’addan ayaa sheegtay inay Dawlada Soomaaliya iyo Maamulada ka jira Gobalada ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen Saxafiyiin tiro badan, waxaa la xiray tiro wariyayaal iyo xarumo warbaahineed, sidoo kale Al-shabaab ayaa dilal bareer ah u geysatay tiro Saxafiyiin ah oo ay ku tuhmeen inay tabiyeen wax yaabo ka dhana qorshohooda ay kaga soo hor-jeedaan Dawlada Soomaaliya, Iyadoo Maamulada ka jira Soomaaliyana ku guul daraysteen inay Baaritaano ku sameeyaan cidii tacadiyadan kula kacday Saxafiyiinta.

Human Rights Watch ayaa Soomaaliya ku tilmaatay meesha ugu khatarsan ee u wariye ka shaqeeyo Qaarada Afrika, waxayna intaa ku dareen inay Gabdhaha Saxafiyiinta la kulmaan cadaadis  iyo faquuq gooniya  oo kaga imaanaya qaar kamid ah Bulshada iyo kooxaha isdiidan ee Soomaaliya.

Wariyayaasha ka hawl-gala degaanada Puntland ayaa la kulma cadaadis iyo caga juglayn joogta ah oo kaga imaanaya Maamulka Puntland, taas oo adkaysay inayba xitaa wararkooda tabiyaan.

Tan iyo 2014 illaa 10 Wariye ayaa lagu diley Soomaaliya, halka Lix Wariye ka badbaadeen Shirqool la donaayey in lagu khaarajiyo.

Qoraalka Human Rights Watch oo dheeraa ayaa siweyn loogu faaqiday Tacadiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta Soomaaliya iyo sida ay Maamulada ka jira halkaas ugu guul daraysteen yaraynta tacadiyadaas.

Puntland Post