Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya heshiiskii hanaanka Doorashada Dalka

Muqdisho(Puntland Post)-Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya meel marinta Heshiisyadii Madaxda Dalku ka gareen habka ay noqon doonto Doorashada Sanadkan ka dhacaysa Soomaaliya, waxaana Hoolka Baarlamaanka laga sugaaya Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake.

Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wax laga weydiin doonaa sida ay noqon doonto Doorashada Dalka ka dhici doonta dabayaqada sanadkan iyo qodobo ku jira Heshiiskii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo kuwa Maamuladu ku gaareen Muqdisho.

Qaar kamid ah xildhibaanada Dawlada Federaalka ah ayaa si aada uga biyo diidsan heshiiskii hanaanka Doorashada Dalka, kaas oo awood badan siinaayey Madaxda Maamulada ka jira Soomaaliya.

Waxa lagu wadaa marka ay dooda Baarlamaanku soo idlaato in cod loo qaado Heshiiskii madasha wadashiga Qaran iyo sida ay u ekaan doonto Doorashada dhici doonta sanadkan 2016.

Puntland Post