Shirkadda Biyaha NUWACO oo qiimo dhimis samaysay

Garowe-(Puntland Post)-Shirkadda Biyaha ee NUWACO, ayaa maanta shaacisay inay samaysay qiimo dhimis ku aadan kharashka laga qaado dadka isticmaala adeegga ay bixiso ee biyaha , iyadoo tilmaamtay in arrintaasi ugu turtay macaamiisheeda ku dhaqan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta shirkaddan ayaa ku shaacisay wax kabadalka qiimaha biyaha, waxayna tilmaamaytay inay dhintey kharash dhan 0.30 cent.

Maamuulaha shirkadda NUWACO Cabdirasaaq Maxamed Cismaan, ayaa ku dhawaaqay qiimaha la badalay, isagoo sheegay in shantii fuusto la dhimay lacag dhan 0.30 taasoo sabab ugu dhigay arrimaha dhaqaale iyo talooyin ay soo jeediyeen maamulka sare shirkadda iyo hay’adda biyaha iyo tamarta Puntland.

Cismaan Guureey oo ah xubin katirsan BOD-ka sare ee NUWACO iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagaha hay’adda PASSAWEYN Xirsi Xasan Nadiif, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin tallaabada lagu dhimay qiimihii hore ee la qaadi jiray, waxayna shirkaddan ku aamaaneen kalinta ay ka qadato hormarinta caasumadda Puntland ee Garowe.

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga sare ee NUWACO Cabdinuur Maxamed Jamac Gaada-yare, ayaa tilmaamay in qiimo dhimistan go’aamisay dowladda dhexe oo wakiil ka tahay hay’adda PASSAWEYN, wuxuuna intaasi ku daray in shirkadan ka qayb qaadatay sidii shacabka Puntland looga kor qaadi lahaa dhibaato ka caysatay biyaha la cabo.

Shacabka Garowe ayuu ugu baaqay inay dhaqaaleeyaan biyaha islamarkaana aan lagu xad gudbin isticmaalkooda isagoo sheegay in NUWACO aysan ahayd shirkad loo furtay faa’iido balse diiradda saarto sidii ay shacabka ugu adeegi lahayd.

NUWACO, ayaa ah shirkadda kaliya ee biyaha siisa dhammaan magalada Garowe, waxayna tilmaamtay inay qorshaha ugu jirto sidii loo ballaarin lahaa adeega ay bixiyaan islamarkaana loo gaari lahaa in caasumaddu hesho biyo macaan.

Sawirro.

IMG_9251

IMG_9270

IMG_9279

IMG_9284

IMG_9293

IMG_9295

IMG_9298

IMG_9300

IMG_9306

IMG_9310

IMG_9312

IMG_9314

IMG_9318

IMG_9332

IMG_9336

IMG_9349

PUNTLAND POST