Sarifka Doolarka iyo Maciishada oo si aada usii qaali-yoobaya Puntland

Garowe(Puntland Post)-Degaanada Puntland waxaa si aada looga dareemayaa Sara kac weyn marka lacagta Doolarka loo badelaayo Shilinka Soomaaliga, arintan ayaa soo bilaabatay tan iyo dabaayaqadii sanadkii hore oo ay Dawlada Puntland bilowday inay Magaalada Bosaaso ku daabacdo Shillin Soomaali cusub, isla markaana ay ku bixiso mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamada kala duwan.

Mid kamid ah sariflayaasha ka hawl-gala Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post inuu sii qaaliyoo-baayo Doolarku marba marka ka dambaysa tan iyo markii ay Dawladu soo daabacday Lacagta cusub.

Kahor soo bixitaanka lacagtan cusub ee Shillinka waxaa Boqolka Doolar lagu kala sarifan jirey 2,100,000-2,150,000 oo Shilinka Soomaaliga , Halka uu maanta maraayo 2,600,000 uuna sii qaliyoo-baayo marba marka ka dambaysa.

Sara u kaca sarifka waxaa barbar socda Maciishada qutal daruuriga ah oo iyaduna si aada sara ugu sii kacaysa Mar kasta oo uu qaali-yoobo sarifku, waxayna tani walaac ku beertay Dadka danyarta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degaanada Puntland, maadama ay ku adag tahay inay iibsadaan maciishadda sii qaali-yoobaysa, taas oo sii adkayn karta nolosha danyarta.

Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhacay Mudaharaad ay soo abaabuleen Dad danyar oo ay noloshu ku qaaliyowday, waxayna Dawlada ka dalbaanaayeen inay xakamayso sara u kaca ku yimi Sarifka iyo Maciishada maadama ay ku adag tahay inay iibsadaan maciishada sii qaliyoobaysa.

Puntland ayaa taariikh u leh samaysashada Lacago cusub oo dhaliya Sicir barar baahsan oo khatar geliya nolosha Danyarta, sanadihii 2007-2008 Punland waxaa ka dhacay Sicir barar aad u xun, oo qiil-qiil geliyey nolosha Danyar badan markii Dawladii xiligaa jirtay iyo Shaqsiyaad kale ay bilaabeen inay lacago Shillin Soomaali ah ay iskood usoo daabacaan, wayse istaagtay arintaas markii ay Shacabku sameeyeen Kacdoono iyo Mudaharaadyo waaweyn oo kaga soo hor jeedeen sidii ay xiligaa wax u socdeen.

Puntland Post