Atletico Madrid Oo Guul Dahabi Ah Garoonkeeda Kaga Gaadhay Bayern Munich Koobka Champions Leaque-ga

Kooxda Atletico Madrid ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Bayern Munich kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga, waxayna Atletico guushan ku gaadhay 1:0

Atletico Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay 11-daqiiqo, kaddib markii Saul Niguez u dhaliyey gool qurux badan, isagoo iska dhex jeexay xiddigaha Bayern Munich, waxaana uu isku dar daray saddexda xiddig ee Bayern Xabi Alonso, Thiago Alcantara iyo Juan Bernat, waxaana uu gooysmo ku joojiyay David Alaba, ka hor ina uusan cag jaran oo dhulka ku socota shabaqa dhex dhigin.

Goolha Saul waa goolkii saddexaad oo uu xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Champions League, waana ciyaaryahanka ugu badan ee Spain ka soo jeeda oo goolasha ugu badan ka dhaliyey Champions League.

Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa goolka hore ee ciyaarta dhalinayey 26 kulan oo ka mid ah 27-kii ee ugu dambeeyey oo ay gurigooda ku ciyaaraan tartammada Uefa.

Xiddiga Bayern Munich ee Arturo Vidal ayaa sameeyey fursadda kaliya ee ay qeybta hore heshay kooxdiisa, waxaana uu galay madax qurux badan, laakiin waxaa ka beeniyey Jose Gimenez.

Dhanka Atletico Madrid waxa ay qeybta hore heleen fursad cajiib ah, waxaana sameeyey Antoine Griezmann, iyadoo uu ka badbaadiyey goolhaye Manuel Neuer.

Bayern Munich ayaa wax guul ah gaari la’ todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kulamada kala baxa ee Champions League, afar barbaro ayey soo gashay, saddexda waa laga adkaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa awooday in ay guul ka gaadho Bayern Munich isla markaana ay garoonka ka baxdo iyada oo shabaqeeda wax gool marti ah ka ilaalisay taas oo fursad fiican siinaysa kooxda Diego Simeone.

at4

at5

at1

at6

at3

at2

PUNTLAND POST