Barcelona oo Laga Soo Cidhibtiray Tartanka Ay Koobkiisa Difaacanaysay Ee Champions Leaque-ga iyo Atletico Madrid iyo Bayern Munich oo u Soo Baxay Afar Dhamadka UCL

Kooxda Atletico Madrid ayaa Barcelona ka cidhibtirtay tartanka ay koobkiisa difaacanaysay ee Champions Leaque-ga kadib markii ay 2:0 ku garaacday kulankii lugta labaad waxayna wadar ahaan Atletico Madrid ku soo baxday 3:2 iyada oo waliba afar dhamadka Champions leaque-ga kula biirtay kooxaha Bayern Munich, Manchester City iyo Real Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Vicente Calderon ku soo dhawaysay Barcelona oo ay kulankii lugtii hore ee Camp Nou ay kala soo laabatay guuldaro 2:1 ahayd, waxayna kooxda Diego Simeone ay doonaysay in ay ka faa’iidaysato hoos udhicii Barcelona ku yimid todobaadyadii la soo dhaafay.

Laakiin Luis Enrique oo todoba kulan oo xidhiidh ah ka soo guulaysatay kooxda Atletico Madrid ayaa markale diirada ku hayay in uu kulankiisii sideedaad oo xidhiidh ah uu guul ka soo gaadho kooxda Simeone. wuxuuna Enrique doonayay in kooxdiisu ay ka soo kabsato dhibaatoyinkii soo gaadhay kulamadii La Ligaha ee ugu danbeeyay isla markaana ay u soo baxdo afar dhamaadka Champions Leaque-ga.

Atletico  Madrid ayaa kulaknan ku bilaabatay qaab ciyaareed weerar iyo difaac iskugu xidhan, iyada oo markasta oo ay kubbada hesho si buuxda weerarka u soo wada galaysay halka marka ay Barcelona kubbada qabsato ay dib ugu wada laabanaysay difaaceeda.

Dqiiqadii 36 aad ayaa Atletico Madrid la timid goolka ay sida wayn ugu dagaalamaysay kadib markii uu Antoine Griezmann uu Barcelona ka dhaliyay gool madax ahaa oo aad uqurux badan isaga oo goolkan ku dhaliyay kubbad fiican oo uu ka helay Saúl Ñíguez Esclapez, goolhaye Ter Stegen ayaa markan awoodi waayay in uu kubbada ka joojiyo shabiqiisa waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Atletico Madid hogaanka kula wareegtay. Natiijada labada kulan ayaa noqotay barbaro 2:2 ah laakiin Atletico Madrid ayaa markan banaanka ku taagnayd goolkii martida ahaa ee ay Camp Nou kula timid.

Goolka quusta ayaa Barcelona laga dhaliyay Daqiiqadii 87 aad Atletico Madrid ayaa heshay wixii ay ciyaarta ugu baahnayd kadib markii uu Filipe Luis uu kubbad la soo galay xerada ganaaxa Barcelona waxaana darbadiisa uu goolka goolka ku Barcelona ku tuurayay gacanta ku celiyay Iniesta taas oo keentay in Atletico Madrid lagu abaal mariyo rekoodhe.

 

Benfica VS Bayern Munich

Dhanka kale Kooxda Bayern Munich ayaa si dhib badan ku soo dhaftay kooxda Benfica waxayna barbaro 2:2 ah kula soo gashay kulankii lugta labaad ee Portugal ka dhacay iyada oo Arturo Vidal iyo Thomas Mullner ay badbaadiyeen kooxda Guardiola, waxayna Bayern u soo baxday afar dhamaadka Champions Leaque-ga iyada oo kooxaha Real Madrid, Mancehster City iyo Atletico Madrid kula soo biirtay afar dhamaadka Champions Leageu-ga.

Bayern Munich ayaa ku soo baxday wadar ahaan 3:2 iyada oo kulankii hore ee Allianz Arena 1:0 ku garaacday kooxda Benfica, laakiin kooxda ree Portugal ayaa si wayn ugu dagaalantay in ay ka yaabsato Bayern Munich waxayna halis galisay kooxda Bavaria.
at1

at2

at3

at4

at5

at6

at7
PUNTLAND POST