Koobka kubadda cagta ee Ardayda Jaamacadda Boasso oo lasoo gaba-gabeeyay

2Garowe(Puntland POST) Waxaa magalada Garowe gaar ahaan garoonka kubadda cagta iyo jir dhiska ee Clasic Stadiuom kusoo dhammaaday koob u dhaxeeyay lixkood oo ah ardayda dhigta Jaamacadda Bosaso University qaybteeda magalada Garowe.

Munaasibadda lagu soo gaba-gabaynayey tartankan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda Jaamacadda Bosaso, masuuliyiin ka socda wasaradda dhalinyarada iyo ciyuaaraha, gudoomiyaha xaquuqul aadanaha iyo gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Nugaal.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal Cabdikariin ayaa dhalinyarada Jaamacada Bosaso Universty Faraceeda Garowe ku amaanay kubadda wanaagsan ee ay soo bandhigeen muddadii uu socday koobkan oo aad u xiiso badnaa.

Agaasimaha waaxda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ahna ku simaha Agaasimaha guud ee wasarada Deeqo Jaamac Ciise ayaa madaxda Jaamacada Bosaso ku Amaantay Tar-Tanka ay dhalinyarada u Qabteen waxayna sidoo kale ganacsatada Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Nugaal ugu Baaqday Inay Ka Qaybqaatan Hormarinta Ciyaaraha Puntland .

Gudoomiyaha Jaamacada Bosaso Universty Faraceeda Garowe Cabdirasaaq Axmed Faarax ayaa gudoomiyaha Jaamacada Bosaso Universaty Faraceeda Garowe uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee ay u soo Qaban-qaabiyeen tar-tanka mudada uu socday waxaana uu sheegay in marwalba masuuliyiinta Jaamacada Bosaso Universty Faraceeda Garowe u Taaganyihiin Siday U Hormarin Lahaayeen Kubada Cagta Ee Dhalinyarada Dhigata Jaamacada Bosaso Faraceeda Garowe .

Ugu Dambeyn Waxaa Madasha Lagu Soo Gaba Gabeeyay Tar-Tanka Jamacada Boosaso Universty Faraceeda Garowe oo Socday Mudo Bila ka Hadlay gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Puntland Maxamed Yuusuf wxuuna madaxda Jaamacada Boosaso uga mahadceliyay tar-tanka ay u qabteen Dhalinyarad Dhigata Jamacad waxaana uu sheegay inuu marwalba diyaar u yahay inuu ka soo qaybgalo tartamada danbe ee ardaydu qabsanayaan.

Markuu Tar_Tanku Soo Dhanaaday Waxaa Madasha Bilado iyo Koobab Lagu Gudoonsiiyay Kooxdii Ku Guulaysatay Tar_Tanaka Oo Ahay Kuliyada Culuumta Caafimaadka Ee Jaamacad Boosaso Universty Iyo Dhalinyaradii Ugu Qaab_Ciyaareedka Wanaagsanayd Mudada Uu Tar_Tanku socday.
1
3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15
PUNTLAND POST