Kooxaha PSG Iyo Manchester City Oo Barbaro Ku Galay Parc des Princes, iyo Wolfsburg Oo Ka Soo Yaabsatay Real Madrid

Kooxaha PSG iyo Manchester City ayaa barbaro 2:2 ah ku kala baxay kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga ee ay PSG soo dhawaysay City, wuxuuna barbarahani faa’iido wayn u yahay Manchester City oo soo dhashatay laba gool oo ay marti ahayd iyada oo kulanka Etihad Stadium ku soo bixi karta xataa barbaro gool la’aan ah.

Kevin De Bruyne ayaa City goolasha u daahfuray ka hor intii aanu Fernando galin qalad aan caadi ahayn oo lala yaabay kaas oo Ibrahimovic ku barbareeyay ciyarta laakiin qaybta danbe Adrian Rabiot ayaa PSG hogaanka udhiibay waxaana markeeda City barbaraha u keenay Fenandinho.Joe Hart ayaa sidoo kale rekoodhe ka badbaadiyay Ibrahimovic.

Kooxaha PSG ayaa soo dhawaysay Manchester City  kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga wuxuuna tababare Manuel Pellegrini shaxdiisa ku soo bilabay goolhaye Joe Hart oo ka soo laabtay dhawac uu muddo la maqnaa waxaana difaaca kuwada bilawday Sagna, Otamendi, Mangala iyo Clichy halka ,Fernando iyo Fernandinho ayaa dhexda danbe loo xilsaaray waxaana dhexda hore kuwada bilawday Navas, Silva iyo De Bruyne waxaana safka weerraka hogaaminayay Aguero.

Dhinaca PSG goolhaye Trapp ayaa goolka ku soo bilawday waxaana difaaca kuwada wada jiray  Aurier, Thiago Silva, David Luiz iyo Maxwell halka saddexda dhexda ay ku wada bilawdeen Rabiot, Motta, Matuidi iyo Di María, waxaana weerarka ka wada ciyaarayaydoona Ibrahimovic iyo Cavani.

                       Wolfsburg VS  Real Madrid

Kooxda  Wolfsburg ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay Real Madrid kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga waxaana kooxda ree Germany guushan u horseeday Ricardo Rodriguez iyo Maximilian Arnold oo kala dhaliyay labada gool ee ay Madrid ku garaaceen. Real Madrid ayaan kulankan la iman qaab ciyaareedkeedii fiicnaa halka kooxda Wolfsburg ay soo badhigay qaab ciyaareed u suurto galiyay in ay beeniso saadaashii kulankan laga bixinayay.

Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda horyaalka Germany ee Woflsburg waxayna labada kooxood iskaga hor imadeen kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga, waxayna kooxda ree Germany ay maanka ku haysay in haddii ay kulankan natiijo fiican ka heli waydo in ay macasalaymayn doonto Champions Leaque-ga, laakiin Zidane iyo wiilashiisa ayaa doonayay in ay shaqa fiican ku soo qabtaan Germany ka hor kulanka Bernabeu laakiin taasi ma dhicin.

PUNTLAND POST