Duulaankii  Al-SHabaab ee Puntland Maxaan ka baranay? W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Freelance Journalist

alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Soomaalidu waxay tiraahdaa Qosol Hiilo Waa Galaa!  Ma is leedahay wax yar baan ka fahmnay ilaa iyo hadda ujeeddadii duulaankii weynaa ee maalinimmada cad koox-da Al-SHabaab ku soo qaaday Puntland?! Michael Keating baa wuxuu ka hadlayaa caruurta yar-yar in qoysaskoodii dib loogu celiyo, laakiin bini aadnimada uu muujinayo macno ma samaynayso waayo caruurta dagaalka lagu qabtay dal shisheeye iyo dad qalaad uma gacan gelin, waxayna joogaan gurigoodii iyo dalkoodii, waxayna la joogaan dad aan looga tarjumayn, waxaana wajiyadooda ka muuqday cabsi la’aan, iyo waliba kalsooni iyo rajo fiican, waxaana hubaal ah inay ku jiraan gacan dad xil kas ah oo u diir naxaya, taasna weydiin kama taagna, waxaana kuu cadaynaya oo marag ma doonta ah caruurtaas dhaawacoodii iyo kii ciidammadii Puntland in isku meel lagu daweyniyo isku sinna loo xanaaneyniyo.
 
Dadka Soomaaliyeed waa inay hoos u fiiriyaan arrimaha laga urin karo duulaankii Al-SHabaab ee Puntland, waziirka war-faafinta dowladda federalka Soomaaliya Maareeye, waxa uu sheegay in dowladda ay ka war haysay in Al-SHabaab isku urursanaysay Xarar-DHeer iyo meel ka mid ah gobollada dhexe oo dusha lagala socday, waxaana la rabay oo lala sugayay inta ay ku soo dhamaanayaan meeshaas…waxaase xujo ah maamulada deegaannadaas jooga ama deriska la ah dowladda maxay xogta ula wadaagi waysay haddiiba uu jiro warkaas? Maxaa loo qariyay? Hadiise lala socday sidee loo ogaan waayay markay guurayaan?! Mase dowladu mucaaradkeeda siyaasadda ama maamulada ka soo hor jeeda ama wax isku khilaafaan xal aan colaad iyo dagaal iyo in la burburiyo aan ahayn oo intaas ka sokeeya uma hayso miyaa? !
 
Sida dadka qaarkii ku sheegeen Al-SHabaab dowladda iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero sooma dirin, laakiin inay Puntland ku soo duuleen way ogaayeen waana u soo sheegi kareen laakiin way ka aamuseen, bal adigu macnee, waxaan 100% hubaa sir-doonnada shisheeyaha ee iyagu shaqadoodu tahay inay xummaanta dalalka dunida 3aad ay u baxsheen inay ka war qabeen duulaankaas laakiin uu jiray dano ay ka lahaayeen inuu fulo, Puntland in la burburiyo laguna burburiyo quwad aan waxba garanayn  oo dadkeeda ah si loo sharciyeeyo sabab macquul ahna loogu helo in la keeno ciidamadii qaban laha ee dalalka shisheeye ee hadaba qaybo badan oo dalkii ka mid ah innaga haysta. UN, IGAD,  AU,  EU, meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah  waxaa ciiddii  qariyay sir-doonka shisheeyaha, waxayna xiriir durugsan la leeyihiin Al-SHabaab oo waxaa ugu jira basaas ama camiil ay ku adeegtaan oo ah ku hoggaamiya hawl gallada annaga iyo Al-SHabaab maalin kasta laynagu gummaado dad iyo duunyaba, marka maxaa Puntland loogu soo digi waayay haddii aanba laga hor joogsanayn?! Waase Alle mahaddii …..
 
Dagaalkaas wuxuu digniin u ahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna cadayn u ahaa baaxadda dhagarta ummadda Soomaaliyeed loo mareegay, markii hore tuhun kastaba ha jiro, arrintu waxay ku ekeyd in Al-SHabaab deegaannada ay joogto ay ka dagaalanto siiba gobollada koonfureed ee dalka iyagoo wada shaqayn ay ka dhexeyso, laakiin duulaankii ay hadda Puntland ku soo qaadeen wuxuu u ekaa in markii Al-SHhabaabkii buuraleyda Gal-Galo ka dagaalamayay ay wax ku ool noqon waayeen oo dadkii deegaannadaas joogay ay qaxin waayeen, ama ay adkaan waayeen si ciidamo loo keeno, in la yiri kuwaan jidka ha loo baneeyo!…amaba?!.. hasa yeeshee, ciidankii intaas tiro le ekaa, oo watay dhowrka doonyood, marna lagama war hayn wax caqliga gelaya ma aha oo taas waxaaba inoo cadeeyay waziirka Maareeye.
 
Dagaalkii waa dhammaaday miyaa?! ma kula tahay?! Wallaahi wali fari kama qodna, sanadkii 26aad baan maraynaa walina waxaad moodaa in hadda colaadu hor leedahay, sii kala fogaanta, colaadda la aloosayo, abaabulada socda, Michael Keating baa isaga kaaya dhigaya inuu ina dhex-dhexaadinayo oo aan ka raadinaynaa cadaaladdii iyo inuu iskaaya fahamsiiyo, rubac qarni ka dib wali meeshii baan taaganahay. Maanta guusha ay  Puntland gaartay  waxay ka sii quruxsanaan lahayd iyadoo ay maamulada kale, sida;  Koonfur-Galbeed iyo Jubaland iyo Somaliland  ay hiil xagga afka ah la garab istaagi lahaayeen, marka aan sidaas leeyahay waxaa lay modaa inaan riyooniyo! Laakiin waa riyo fiican, waana siday ahaan lahayd ee xil-kasnimo yarida baa diiday, waana qayb muhiim oo ka mid ah guulaha oo cadowga Soomaaliyeed gaaray oo caawa cabsi kama qabaan haddii ay gobol ku soo duulaan in gobolka kale u soo gurmado….murugo weynaa!
 
Michael Keating baaqiisa la xiriira in ilmaha la socday  Al-SHabaab loo celiyo qoysaskoodii, waa hadal sax ah laakiin ma aha mid ku salaysan sabab jirta, maxaa yeelay sida loola dhaqmay waa sida uu dhaqanka Soomaaliyeed ahaa, waa sida dhaqanka diinta Islaamku ahaa, dadka Soomaaliyeed oo dhan baana u marag ahaa, haddii la celinayo iyo haddii kalana dalkoodii bay joogaan, wayna u jeedaan qaabkii ay ku yimaadeen iyo dhaqanka loogu bedelay, iyadoo sida ay sheegtay xeer ilaalinta Puntland ay sharciga marinayso ragga waaweyn ee  qaan gaarka ah. Waxaana talo wanaagsan ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya inay iska difaacaan abaabulka huwan shaarka Al-SHabaab, mana ah in loo qaato dagaalkii in uu dhamaaday, ee waa in la gala heegan joogta ah, waana in la kordhiyaa ilaalooyinka wareega habeen iyo maalinba. 
Dagaalkaan Al-SHabaab markiisii horaba wuxuu ahaa mid sutida loogu qabanayay sidii  Soomaaliya loo kala qaybin lahaa, colaadna ay waligeed ugu jiri lahayd, waa dhab inaan Al-SHabaab dusha laynooga keenin, waxaanse been ahayn in sir-doonnada shisheeyaha oo ay ugu horeeyaan  dalalka reer galbeedka siiba Maraykanka iyo Ingiriiska, iyo kuwa deriska siiba Itoobiya iyo Kenya ay inoo adeegsadeen, oo lagu laayay wax-garadkeenii, odaygeenii, iyo cid kasta oo wax ku ool ahayd oo dalka iyo dadkaba wax tari lahaa. 
Waxaana hadda muuqda ifaafaalo aad moodayso in adeegsiga Al-SHabaab uusan lahayn dhammaad ilaa dalka oo dhan sababtooda loogu soo marmarsoodo oo sidaas lagu jidaysto qabsashadiisa. Waxa Beesha Caalamka loogu yeero ee aan hadda aadka uga bar garanayno ninka Michael Keating danta ay inaga leeyihiin aad bay uga durugsantahay inta aan qiyaasayno…..Waa in dib loogu noqdaa meel kasta sida loola dhaqmayo waxa Beesha Caalamka loogu yeero, diyaaradahaan meel kasta iska degaya, askarta dhulalka iska dhex wareegaya, oo waliba kaaga daranee meelaha qaarkood laba gobol oo dadkeenaa degganaa aysan is dhex marin iyagu xor labada dhinacba ugu kala gooshaya…… dadka reer miyiga ah ha la taba baro, ha lagu xiro ciidammada si ay u soo war geliyaan ama wixii ay ka shakiyaan ee ay soo qaban karaan ugu soo simaan…..Dalkaaga adigaa leh ilaalintiisana waa kugu waajib.