Guddiga fulinta ee MAP oo ka hadlay eedaymo loosoo jeediyay Gudoomiyaha Ururka

3Garowe(Puntland Post) Ururka warbaahinta Puntland ee (MAP) ayaa markii ugu horaysay qoraal kasoo saaray khilaaf guddiga fulinta ee ururka soo dhex galay, kaasoo xal u helidiisa maalmihii ugu danbeeyay uu ka socday magalada Garowe.

Xubnaha qaar ka mid ah ayaa mooshin ka keenay gudoomiyaha MAP, Faysal Khaliif Barre oo ay ku eedeeyeen inuu ku tuntay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Hoos ka akhriso shan xubnood oo guddiga fulinta ka ah oo ku saxiixan qoraalkan.

Guddiga Fulinta Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, waxa uu aminsanyahey in mudada xilka ay hayeen ururku gaarey guulo waawaeyn oo la taaban karo, horumarna laga gaarey dhanka xiriirka caalamka iyo difaacida danaha warbaahinta Puntland, sanadkan 2016 ay jirto rajo ka badan 2015 oo la filayo in mashaariica kala duwan oo ururku uu ka heli doono hay,addaha taageera Ururka.

Horumarka dhanka Mashaariicda: Ururku waxaa uu mashaariic la waddaa hey,ado caalami ah oo fadhigoodu yahey Mareykanka Sweden iyo kuwa Soomaaliya sida NED,IMS/FOJO, UNSOM, INTERNEWS,PDRC & RELIEF INTERNATIONAL. Mashaariicdaas oo dhan waxay u socdaan si habsami ah.

Difaaca warfiyeenka: Ururku waxa uu ku guuleystey in uu si dhameystiran u difaaco warfidiyeenka Puntland iyo kan soomaaliyeedba, waxaa kaloo ururku uu isu taagey sidii dib u habayn balaaran loogu samayn lahaa xeerka warbaahinta Puntland iyadoo lala kaashanayo wasaaradda warfaafinta Puntland baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Eedaha ay soo jeediyeen sadex xubnood oo ka mida Guddiga Fulinta:

1 March 2016 Xubno ka mida gudiga fulintu waxay warbaahinta u gudbiyeen eedeyn ka dhan ah guddoomiyaha ururka oo la xiriira in sharci jabin uu sameeyey iyo musuqmaasaq. Guddiga fulintu waxay aaminsanyihiin in habka loo marey eedeyntaasi aysan waafaqsaneyn nidaamka ururka maadaama aan eedaa loo soo gudbin golaha fulinta oo ah sida sharcigu qabo intaan warbaahinta la gaadhsiin.

Talaabadaas ka dib guddiga fulintu waxay isugu yimaadeen magaalada garoowe 6 March 2016 illaa mudadaasi waxay ku hawlanaayeen in arinta loo wajaho sida uu qabo xeerka ururku oo guddiga fulintu ay ka doodaan eedeynta, ka dibna loo maro nidaam waafaqsan sharciga. Nasiib daro dadaaladaasi waxa uu ka socon waayey dhanka xubnihii eeda soo gudbiyey.

Sidaa darted Xubnaha guddiga fulintu waxay isku raaceen in la sameeyo fursad kale oo lagu gorfeeyo arinkaas si waafaqsan nidaamka iyo xeerka MAP.

iyadoo la illaalinayo midnimada iyo jiritaanka ururka, lana xoojinayo isla xisaabtan, maadaama eeda lagu faafiyey warbaahinta guddigu fulintu, waxay go,aamiyeen in maalinta Arbacada madal fagaare ah ay isugu yimaadaan guud ahaan xubnaha gudiga fulintu, goob-joogna ka noqdaan xubnaha kale ee ururka.

2. in xubnaha eeda soo gudbiyey ee kala ah Faadumo Axmed Gaashaan, Cawil Maxamuud Cabdi iyo Khadar cawl ismaaciil ay soo fadhiistaan madashaasi oo la yimaadaan eedeytooda iyo cadeymahooda la xiriira musuqa ay sheegeen.

In la illaaliyo midnimada ururka oo dhamaan saxafiyiinta Puntland ay ku kalsoonaada hoggaaminta Guddiga Fulinta, oo shirweyne loogu igmadey hawl socodsiinta ururka MAP.
Faysal khaliif barre Guddoomiye MAP

Maxamed Maxamuud Xaaji Guddoomiye ku xigeenka MAP

Faadumo Maxamed Maxamuud Xoghayaha Guud ee MAP

Cumar Siciid Maxamed Waaxda qareemida iyo Isgaarsiinta

Maxamed Daahir Yuusuf Waaxda Tababarada

8
Xubnaha guddiga fullinta ee mooshinka ka keenay Gudoomiye Faysal Kh,Barre

Dhinaca kale xubnaha mooshinak kasoo saaray gudoomiyaha MAP Faysal Khaliif Barre oo kala ah, Faadumo Axmed Gaashaan, Cawil Maxamuud Cabdi iyo Khadar Cawol Ismaaciil ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay hotelka New Rays ee Garowe, waxayna shirkooda jaraa’id kaga hadleen inaysan waxba ka jirin eedaymo ay kala kulmeen dhinaca kale ee guddiga fulinta, waxa kale ay difaaceen mooshinka ay ka keenaan gudoomiyaha oo ay sheegeen inaysan ka laaban doonin.

Xubnahan ayaa sheegay inay ku go’aan in lagu kala baxo xeerka uu ururku lee yahay, ayna muhiim tahay in lagu wada dhaqmo, waxay tilmaameen inaan xittaa lagu war galin shir xubnaha kale ee guddiga fulinta sheegen in Arbacada berri ah lagu qaban doono xarunta PDRC ee Garowe.

Hoos ka dhagayso xubnaha galabta shirka qabtay codadkooda.

PUNTLAND POST