WAFDI KA SOCDAY DALKA JABUUTI OO GAARAY MAGALADA BALADWEYNE

danjiraha-iyo-sarakiil4

Waxaa maanta gaaray maagalada Baladweyne  masuuliyiin uu hormuud u ahaa Danjiraha jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaliya Dayib Dubad Rooble, waxaana qeyb ka ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrika ee AMISOM.

Masuuliyiintaan waxaa Magaalada Baladweyne ku soo dhoweeyey  Ugaas Khaalif,  maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Danjiraha dalka Jabuuti u jooga Soomaliya Dayib DUBADROBLE ayaa sheegay in ujeedka Safarkooda uu salka ku hayo labo ariimood oo kala ah u kuur galida xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo kaalinta dalka Jabuuti uu ka qaadan karo dhismaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Sido kale Danjiraha dowlada Jabuuti uu fadhiya dalka Soomaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Madaxweynaha jamhuuriyada dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle iyo shacab ka dalka Jabuuti ay mar walba garab tagan yihiin Soomaliya .

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba geed) ayaa amaanay doorka Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ah howlgalka midowgga Afrika ay ka qaatan horumarinta gobolka Hiiraan.

danjiraha-iyo-sarakii3 danjiraha-iyo-sarakiil hi danjiraha-iyo-sarakiil danjiraha-iyo-sarakiil4 danjiraha-iyo-sarakiil--8 danjiraha-iyo-sarakiilH-7 danjiraha-iyo-sarakiil-t-6 sa -saraki sarakiil sarakil jabuti