ISKA HOR IMAAD DHIMASHO SABABABAY OO XALAY KA DHACAY XEEBTA CEELAAYO

Inta Laxaqiijiyay Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska hor imaad xalay xeebta ceelaayo oo 30 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Boosaaso ka dhacy.

Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii ciidamada badda Puntland oo ka hortagayay 300 oo qof oo la tahriibinayayay iska cabin la kulmeen taasi oo keentay dhimashada hal askari.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay dad looga shikisan yahay inay qayb ka yihiin shabakadaha wax tahriibaya ee ku sugan deganada puntland.

Taliyaha Ciidamada Bada Puntland Admiral Cabdiraas Faarax Diiriye ayaa VOA Ushegay in cidamada bada puntland uu kaga dhinta hal askari walow ay jiraan dadkii wax tahribinayay oo gacanta lagu dhigay

DHAGASO ”