Barakacayaasha Koonfurta Soomaaliya ee ku nool Garowe oo ka horyimi 4.5

Garowe-(Puntland Post)- Dadka barakacayaasha ah ee ka yimi Koonfurta Soomaaliya ee ku nool magaalada Garowe ayaa ka horyimi nidaamka 4.5ka ee laga soo saaray shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyey Muqdisho.

Waxay dadka oo kulan ku qabtay Xero ay ku nool yihiin aya sheegeen in ay ka soo horjeedaan go’aankii laga so saaray shirkii Muqdisho,waxayna xuseen in ay rabaan dowladd loo dhan yahay oo aan lagu salayn hab beeleed.

Dadka goobta ka hadlay waxay isugu jiraan Malaaqyo iyo Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya,waxayna sheegeen inay taageersan yihiin go’aankii ay Puntland ka qaadatay natiijada shirkii Muqdisho.

Barakacayaasha ayaa umahadceliyey madaxweyne Gaas iyo Madaxdii ka horaysay oo ay sheegeen inay raadinayaan Soomaalinimo,iyaguna ay ku taageeraayaan in laga gudbo hab qabiil.

Hadalka barakacayaasha ayaa kusoo aaday xili magaalada Garowe uu ka socday shir sadex bari beesha caalamka,madaxda Puntland,Siyaasiyiinta,Bulshada ra’yidka ah oo ku aadan 4.5ka,oo Puntland kasoo horjeedo.

Halkan ka Dhagayso Codka.

PUNTLAD POST