Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada shir kula qaatay guddiga tayaynta iyo shaqo qorista qaybo kamid ah hay’adaha Dawladda

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa maanta oo 12-Feb-2016 shir guddoomiyey shirkii koowaad ee ay yeeshaan guddiga hoggaaminta mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda Puntland. (Capacity Injection Project).

Guddiga oo heer wasiir ah ayaa waxaa guddoomiye u  ah  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana xubno ka ah Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland, waxaana uu mashruucani qayb ka yahay ballan-qaadkii Madaxweynaha ee ahaa dig u habaynta shaqaalaha Dawladda.

Ugu horayn guddiga  hoggaaminta mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda Puntland ayaa  waxa ay warbixino ka dhagaysteen  guddiga daba-galka iyo la socodka mashruucakani, waxayna uga  warbixiyeen waxqabadkoodii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxayna ka codsadeen guddiga hoggaminta in ay u ansixiyaan qorsheyaasha iyo miisaaniyadda saddexda bilood ee soo socota.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba ay mar yeelan doonaan guddiga hoggaaminta mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista qaybo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland, waxaana looga golleeyahay in dib u eegis lagu sameeyo wixii  ka qabsoomay qorsheyaashii saddexdii bilood ee la so dhaafay iyo in lagu ansixiyo qorsheyasha iyo miisaaniyadda saddex bilood  ee soo socota.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa bogaadiyey wax qabadkii guddiga dabagalka iyo la socodka mashruuca Tayeynta iyo shaqo qorista, isla markaana ku boorriyey dhammaan hay’adaha mashruucan qaybta ka ah in  ay u hoggaansamaan nidaamka shaqo qorista Puntland, isla markaana ay raacaan shuruucda loo dejiyey hay’adda shaqaalaha rayidka ah oo iyadu wakiil uga ah dawladda nidaamka shaqo qorista.

Ugu dambayntii guddiga ayaa ansixiyey qorsheyaasha iyo miisaaniyadda lagu shaqayn doono  saddexda bilood ee soo socota si loo dar-dar geliyo shaqooyinka baaxadda leh ee la doonayo in la fuliyo, isla markaana laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa hufnaan iyo isla xisaabtan.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOYADA PUNTLAND

IMG_0107 IMG_0108 IMG_0111 IMG_0114 IMG_0119 IMG_0126 IMG_0131 IMG_0134