Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulan muhim ah l ayeeshay waftigii Beesha Caalamka ee uu Hoggaaminayey Mechael Keating

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa galabta 10-Feb-2016 markale kulan muhim ah kula qaatay Qasriga Puntland ee Garoowe Waftigii Ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo maalmahan kulamo kula lahaa magaalada Garoowe Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta.

Waftiga ayaa waxa iyaguna ka mid ahaa Danjiraha Maraykanka Ambassador David Kaeuper, Danjiraha Midowga Yurub Ambassador Tom Vens,(Representative), Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet Methews , Danjiraha Talyaaniga Ambassador Fabrizio Machelli , Danjiraha Iswiidhan Ambassador Mikeal Lindvall,  Danjjiraha Midowga Afrika Hon Laydia Wanyoto, Muntende(Deputy SRCC), Danjiraha IGAD Ambassador Mohamed AFFEY, Danjiraha Uganda Ambassador Mugisha K.Nathan iyo  Danjiraha Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafe.

Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating iyo waftigiisa ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey kulamadii kala duwanaa ee ay la qaateen Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo Siyaasiyiinta iyo waxyaabihii ay kulamadaas kala  kulmeen.

Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa ayaa Madaxweynaha u sheegay in ay qaybihii kala duwanaa ee dadweynaha reer Puntland kala kulmeen soodhoweyn wanaagsan isla markaasna ay si laab furnaan ah u wada hadleen.

Michael Keating ayaa sidoo kale sheegay in ay soo arkeen shacbi, siyaasiyiin iyo dawlad mideysan oo  waddaniyad ka muuqato isla markaana isku aragti ka ah geeddi socodka nabadda Soomaaliya iyo hiigsiga doorashooyinka 2016-ka.

Danjire Keating iyo waftigiisa ayaa intaa raaciyey in ay garwaaqsadeen in reer Puntland aysan doonayn maslaxadooda gaarka ha, balse ay raadinayaan maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo in la helo dawladnimo soomaaliyeed oo dhammaystiran, balse loo baahanyahay in waddada saxda ah loo maro, lana ilaaliyo dastuurka dalka u yaalla.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey waftigan heerka sare ah imaatinkooda ay yimaadeen Puntland  iyo kulamada kala duwan ee ay la qaateen dadweynaha reer Puntland si ay u arkaan dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyey in Dawladda Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku timaada rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, balse aanay marnaba garab marayn aragtida shacabkeeda ee ku salaysan helitaanka dawladnimo Soomaaliyeed oo haysata kalsoonida shacab keeda.

 

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA  IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_9488 IMG_9489 IMG_9491 IMG_9495 IMG_9511 IMG_9519 IMG_9521 IMG_9527 IMG_9531 IMG_9533 IMG_9535 IMG_9537 IMG_9539 IMG_9545 IMG_9550