Ma Haboon Tahay in Cumar Cabdurishiid lagula Xaajoodo Garoowe?!!!

Waxaynu markhaati ka ahayn habkii uu u maareeyey dhisitaankii Galmudug, oo ay madaxda Puntland u ilduufeen danihii uu ka lahaa. Ilduufkaas waxaa ka mid ahaa markii uu Dhuusamreeb ka yiri waxaan dhisaynaa Mudug iyo Galguduud oo aysan Puntland waxba ka oran, Halka ay ka dhawaaqeen markuu Culusow yiri intii uu horey u yiri Cumar Cabdirishiid Cali (CCC).

Waxaynu dhageysanay wareysi uu siiyey Golaha 88 kadib markuu dhisay guddiga dastuurka, xudduudaha, iyo doorashooyinka. Waxuu yiri waxaa ka mid ahaa, in Puntland ay gardaran tahay xaqna u lahayn inay guddiyadaa ka qeyliso maxaa yeelay waxaa lagu xulay 4.5, haddii xubnaha ay ku leeyihiin aysan ku qanacsaneyn way soo badalan karaan laakiin xubno beelo kale inay ka hadlaan uma bannaana.

Waxaa ka yaab badneyd markii uu inta U.N-ka tagay kuna tilmaamey xasuuqii USC ka geysatay Muqdisho inay ahayd arab-spring-kii Soomaaliya. Ma wixii dhacay 1991kii baa lala barbar dhigi karaa arab-spring, carabtu ma deriskoodii bay boobeen, kufsadeen, amaba inta u dhaceen qabiil dartiis u laayeen.

Ugu danbeyntii, goortuu garbaduub u xiray madaxdii Jubaland iyo Puntland ayuu waliba ku muducay oo yiri haddii waxaan 4.5 ahayn wax lagu soo doorto waxaa dhici kara in ISIS oo kale ay ka dhalato Soomaaliya. Wuxuu kaloo sheegay in Puntland waxay qaban kari weyday ay ku dirqinayso dowlada federaalka ah, taasoo ah in deegaan wax lagu soo doorto, asagoo tilmaamey in Puntland ay 18 sano qabiil wax ku dooraneyso. Taas oo runtii xaqiiqda ka fog, maxaa yeelay, waxaynu ognahay in Puntland ay barlamaankeeda ku xusho heer gobol, gobol kastana loo qoondeeyey tiro go’an.

Waxaase yaab leh, oo aan isweydiiyey, haddii ninkan uu u dhalan lahaa beelo kale oo aan reer Puntland ahayn, siduu ugu hanjabay Puntland-na uu ugu hanjabi lahaa cuno qabateen iyo qaswade-nimo. Ma loo ogolaan lahaa xiligan xasaasiga ah inuu beesha caalamka soo raaco oo uu wadahadalo masiiri ah lagalo madaxda Puntland. Aniga taa ma qabo sidii Farmaajo loola diriray baa loola diriri lahaa. Haddaba waxaan ka digayaa in mar labaad sidii Dhuusamareeb hab  qabyaaladeysan loogu ilduufo oo aan lagu eegin isha aan Culusow ku eegno mid ka qabow.

  1. Waa in la diidaa wax dowladnimo sheeganaaya inay Garowe u yimaadaan wadahadal, balse beesha caalamka iyo Puntland ay ka wadahadlaan qaabkii horay loogu socon lahaa.
  2. Waa in Puntland dastuurkii dib ugu noqdaan wixii aan kaas ku saleysnayna aysan dhag jalaq u siin.
  3. Waa inay guddi madax banaan oo reer Puntland qeybahooda kala duwan ka kooban sida xukuumada, barlamaanka, odayaasha, iyo siyaasiyiintii door ka soo ciyaartay dowladnimad loo xulo inay talo waafi iyo go’aan saafi ka bixiyaan masiirka Puntland.
  4. Waa in Article 4-ka dastuurka Puntland miiska la soo saaro lana qaato haddii aan dastuur anaga iyo Dowlad ku sheega naga dhaxeeya uusan jirin,
  5. Waa in gogoshii beelaha Puntland ku midoobey ee horey loo iclaamiyey la mudeeyo lagan dhabeeyo.
  6. Waa in qurba joogteena la kiciyo laguna jiheeyo sidii hab siyaasadeed, dhaqan dhaqaale, iyo horumarineed loogu caawini lahaa mandaqadeena.
  7. Waa in dadka Puntland ka soo jeeda ee Muqdisho u shaqo tagey fiiro gaar ah loo yeesho, haddii, article 4 la qaatana laga mabnuuco imaanshaha Puntland.

Qodobadan waa qodobo dhaxalgal ah oo waayadan danbe ka guuxayey waxgaradka gaar ahaan qurbo joogta reer Puntland kuwooda siyaasadaha wadanka odorosa. Puntland waxay gaartey waqtigii ay dib u eegis ku sameen lahayd Soomaalidoonkii loo aas-aasay oo haatan u eg miro gunti ku jira u daadi kuwo geed saran. Ilaahey towfiiqda ha idin waafajiyo Soomaalinimo qaabkaan wax u dhigeynay, way cadahay inaysan ku imaaney loona wada-dooneyn.

Wabilaahi Towfiiq.
Qoraalkii:  Ahmed Yusuf Ahmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Puntland Post | Feb 9, 2016