Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Marka

Marka-(Puntland Post)- Degmada marka ee gobolka Sh/hoose waxay wararku saaka sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dib ula wareegeen,kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay gacanta ku haysay Alshabaab.

Ciidamado gurmad ah oo shalay ka yimi Muqdisho ayaa la sheegay inay ku biireen AMISOMTa kusugan dhanka sarta Ayuub ee koofurta magaalada Marka,waxaana wararku intaa ku darayaan in Alshabaab ay saaka isaga baxeen degmada,islamarkaana ciidamadu ay gudaha ugaleen.

Tan iyo maalinkii Jimcihii Magaalada Marka ayaa xaalkeedu daganayn, waxaana degmada gacan ku haynta hadba mar la wareegyay labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaaladu saaka dagan tahay,islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST