Wafti ka socda dowladda fadraalka oo maanta tagay Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Post)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha guud ee dowladda fadaraalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse oo ay ka midyihiin Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta howlo shaqo ku tegeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha amaan iyo tan beni’aadanimo ee ka jirta deegananda Jubbaland, iyadoo la isku afgartay in taageero la gaarsiiyo baracakaayasha ku nool Kismaayo.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha guud ayaa waxa ay booqdeen xeryaha barakacayaasha, kuwaasi oo ugu kuurgalayay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa kale ee dhawaan ka soo laabtay xerada Qaxootiga Adduunka ugu weyn Dhadhaab ee Waqooyi bari ee dalka Kenya.

PUNTLAND POST