Wasaaradda Maaliyadda oo xubin ka noqotay Ha’yadda iskaashiga Islaamka

Muqdishp-(Puntland Post)-Wasaaradda Maaliyadda dowladda fadaraalka Soomaaliya aya kamid noqotay Ha’yadda Iskaashiga Islaamka iyo dhiiri galinta Ganacsiga,kadib markii baarlamaanku uu ansixyey hindise uu ay soo gud bisay wasaaraddu oo ay kaga mid noqonayso Ha’yadda.

Wasiirka Maaaliyadda dowladda fadaraalka Maxamed Aaden Ibraahim Ferkeeti ayaa baarlamaanka uga mahad celiyey asixinta qoraalka ay wasaaraddu kaga mid noqonayso Ha’yadda iskaashiga Islaamka.

“Ha’yadda Iskaashiga Islaamka iyo dhiiri galinta Ganacsiga waxay u sahlaysaa Soomaaliya iney fursado u helaan illo dhaqaale oo dibadda uga yimaada taas oo kor u qaadaysaa wax soo saarka, waxayna siinaynsaa taageero shirkadaha ku howlan ganacsiga yar yar iyo kan dhexe, waxaa kale oo ay dhiiri galinaysaa hal buurka ganacsiga, iyo tarntan sare u qaadi kara ganacsiga gaarka loo leeyahay’ Ansixinta heshiiska ICD wuxuu awood u siin doona Soomaaliya inaan kor u qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu uga qeyb qaadaato shaqo abuurka gaar ahaan dhalinyarada shaqada doonka ah” ayuu yiri Wasiir Ferkeeti.

Wasaaradda Maaliyadda Ha’yadan ay xubinta ka noqotay waxay taageertaa wadamada xubnaha ka ah iyadoo ka caawisa in ay awood ahaan iyo siyaasad ahaana horumariyaan dhiiri galinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

PUNTLAND POST