DFS oo sheegtay in loo qabtay shilkii diyaarada Daallo labaatan qof

diyaarad-daalloDFS ayaa sheegtay labaatameeyo qof in loo xiray dhacadadii dhawaan qabsatay diyaarad ay lee dahay shirkadda Daallo taasoo iyadoo ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho uu hawada qarax kula qabsaday.

Afhayeenka xukumadda Somalia Cabdisalaan Axmed Caato, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo ganacsato kuwaasoo uu sheegay in ay ku lug lee yihiin qaraxaas.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in su’aalo la weydiinaayo dadka la soo qabqabtay isla markaana dhawaan saxaafadda loo soo bandhiggi doono.

Waxaa kaloo laa barayaa muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka loo yaqaano CCTV lagana dhex arkay labo qof oo la sheegay in kumbuyuutarka Labtobka ay u dhiibayeen ninkii isagoo meyd ah ka soo dhacay diyaaradda maalintii koowaad ee shilka uu qabsaday kaasoo laga helay degmada Balad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in baaritaanka diyaaradda ay gacan ka siinayaan saraakiil ka tirsan hey’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da si bal loo baaro waxa sababay dhacdadan.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa aad loo adkeyay wixii ka dambeeyay markii ay dhacdadan dhacday, waxaana inta badan hakad ku jira muddo toddobaad ka badan dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha Muqdisho.

PUNTLAND POST