Wafuud ku wajahan Puntland oo isku dayi doona inay ku qanciyaan hirgelinta Go’aamadii Madasha wada tashiga

Garowe(Puntland Post)-Degaanaada Puntland waxaa kusoo wajahan wafuud balaaran oo doonaysa inay Xukuumada iyo Dadweynaha ku qanciyaan Hanaanka wax qaybsiga 4.5 iyo hirgelinta Go’aamadii Madasha wadatashiga oo ay dhawaan meel adag ka istaagtay Dawlada Puntland.

Wafuuda kusoo wajahan Puntland waxaa kamid ah Wakiilka cusub ee Xoghayaha Qaramada midoobay u qaabildan Arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale xubno katirsan Madaxda sare ee Dawlada Federaalka ah, Wafuudan kala gedisan ayaa dadaal dheer u geli doona sidii ay Dawlada Puntland qayb uga noqon lahayd Go’aamadii kasoo baxay Madashii wadatashiga Muqdisho kuwaas oo aan ilaa iminka aysan Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamku  saxaaxin.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa bilowday inay wadatashiyo arimahan ku saabsan la samayso qaybaha kala duwan ee Dawlada iyo Dadweynaha sida Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka, lamana oga wax yaabaha ay kala hortagi doonaan Wafuudan kusoo Wajahan Garowe.

Marka laga yimaado shirarka ay Waftiyadani la qaadan doonaan Dawlada Puntland waxay sidoo kale siyaabo gooni gooni ah ula kulmi donaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah sida Odayaasha iyo Siyaasiyiinta maadama ay diidmada ugu adag ee Go’aamadii Madasha Wadashiga Qaran kasoo baxayso Qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Puntland.

Lama oga waxa ay isku afgaran donaan Xukuumada Puntland iyo Wafuudan Ka kala socota Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka ah, waxaase adag in lagu qanciyo Dadweynaha reer Puntland Hilba qaybsiga Afar dhibic shan iyo Go’aamadii kasoo baxay Madashii wadatashiga oo ay Puntland u arkaysay in la qaatay rabitaanka dhinicyo gaar ah, Halka la tixgelin waayey hal mid oo kamid ah rabitaankii umada Puntland oo Maamulkoodu si buuxda uga arimiyo guud ahaan degaanadiisa.

Puntlandpost.com