Suldaanka Beesha Geri-Koombe Oo Boosaso Lagu soo Dhaweeyay

Boosaso-(Puntland Post)-Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Suldaanka Beesha Geri Koombe Suldaan Cali Sheikh Axmed oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa Dalka Ingiriiska.

Soo dhaweynta Suldaanka Beesha Geri Koombe ayaa waxaa ka qeyb qaatey odayaasha dhaqanka,Dhalinyarada,Haweenka iyo aqoonyahanada Beesha Ay Ku soo Dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Boosaso

Suldaan Cali Sheikh oo la hadlayey shacabkii soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta Ballaaran ee loo sameeyey iyo sida waqtiga badan ay u sugayeen.

Wuxuu intaasi ku darey inuu u yimi sidii uu ula kulmi lahaa dhamaan qeybaha kala duwan ee beesha Geri koombee ee ku sugan magaalada Bosaso iyo gobalka Bari, ayna uga wada hadli lahaayeen sidii loo hormarinta beesha.

Suldaan cali Sheikh ayaa sidoo kale wuxuu uga warbixiyey odayaashii iyo waxgaradkii soo dhaweeyey Kulan Uu Dalka Itoobiya Kula soo Qaatay Garaadka Guud ee Beesha,oo uu sheegey in uu Kala Hadlay Arimo Kala duwan oo La xiriira Hormarinta Beesha,

Inta uu ku sugan yahay magaalada Bosaso Suldaanku ayaa waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho dhamaan qeybaha kala duwan ee beesha Geri Koombe, Ee Ku Nool Magaaladan Boosaso,

DAAWO SAWIRADDA :

IMG_3375 IMG_3376 IMG_3377 IMG_3380 IMG_3381 IMG_3382 IMG_3383 IMG_3385 IMG_3388 IMG_3391 IMG_3397 IMG_3399 IMG_3405 IMG_3409 IMG_3413 IMG_3419 IMG_3421 IMG_3422 IMG_3423 IMG_3426 IMG_3427 IMG_3428 IMG_3431 IMG_3434 IMG_3436 IMG_3437 IMG_3438 IMG_3443

Puntland- Post

Xafiiska Boosaso.