Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Dec,13, 2015 kaga qayb galay shirkii labaad ee Madasha wada tashiga heerka qaran ee looga hadlayey hannaanka geeddi socodka doorashooyinka sanadka 2016.
Sidoo kale iyaguna kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaal Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka, Madaxweynayaasha Maamul goboleedada iyo Beesha Caalamka.
Shirka ayaa lagu gorfeeyey Natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii wada tashiga ahaa ee ka dhacay dhammaan gobollada dalka kuwaas oo ahaa natiijooyin ay ku kala aragti duwanaayeen dadka soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka furay ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo wada tashiyo ahi u socday Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in la isku soo dhowaan doono, isla markaana fikradaha la soo uruuriyey loo qaabeyn lahaa, lagana dhigi lahaa siyaasad qaran oo lagu mideysan yahay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Madasha Shirka ka jeediyey Khudbad Taariikhi ah ayaa khudbaddiisa inteeda badan diiradda ku saaray marxaladihii ay soo martay dawladnimadan manta lagu noolayo.
“waxaan aaminsanahay in shacabka soomaliyeed, maamuladii ku meel gaarka ahaa iyo dawladda maanta jirta ay kasoo gudbeen caqabado badan, horumar badan oo maanta muuqdana soo kasbeen waana guul lagu faani karo”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale xusay in hore looga heshiiyey laysulana meel dhigay qaabka ay noqon doonto doorashada 2016-ka iyadoona hore loogu gorfeeyey shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2.
“waxaa nasiib wanaag ah madaxdii dedaalka weyn u soo gashay dhammaystirka heshiisyadii Garowe1 iyo Garoowe2 in ay maanta madasha wada fadhiyaan sida aniga oo ah Ra’iisul-wasaarihii xilligaa iyo Shariif Xasan oo ahaa guddoomiyihii Baarlamaanka Dawladdii kumeel gaarka ahayd, taasoo raadraac fiican u noqon doonta doodeena maanta in ay yeelato saldhig sharciyeed aan maanta ka amba qaadi karno”
Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale xusay shirarkii lagu kala qabtay Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho, Boosaaso, Badhan iyo Tukaraq kuwaas oo shacabka Puntland ay ku cabbirayeen aragtidooda ku aaddan qaabka doorasho ee ugu wanaagsan ummadda soomaaliyeedna ay kuwada qanci karaan.
Waxaana uu madasha ka caddeeyey Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Aragtida shacabka Puntland oo ah in 100% ay isku ku taliyeen in doorashada 26-ka xubnaha baarmalaanka noqonaya laga soo xulo deegaanka ay kasoo jeedaan, si’aanay mar dambe u dhicin xildhibaan aan deegaankiisa laga soo xulini in uu metelo.
“Dawladda Puntland iyadoo ixtiraamaysa aragtiyaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed iyo madaxdooda waxaan madasha ka caddaynayaa in Puntland ay ku shaqaynayso aragtida shacabka ay metelaan oo talooyinkoodii kusoo ururiyey shirarkii ay uga hadlayeen mustaqbalkooda” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dawladda Puntland.
Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gunaanadkii khudbaddiisa kusoo afmeeray erayo muujinaya qorshaha Puntland ee ku aadan sidii lagu heli lahaa nabadgelyo, xasilooni iyo caddaalad waarta oo la dhex dhigo dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Waxaan rabnaa inaynu garno meel kawanaasan meesha aynu maanta joogno.
Waxaan rabnaa in aan arno nabad beddesha colaadda soo daashatay dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Waxaan rabnaa in aan gaarno caddaalad beddesha xal wax ku qaysigii muddo lagu soo shaqaynayey.
Waxaan rabnaa in aan dadkeena u horseedno is jecayl iyo is dhexgal aan shuruudi ku xirnayn.
Waxaan rabnaa in federaalnimadu noqoto mid xoojisa awood baahinta iyo is garabsiga ummadda soomaaliyeed.
Waxaan rabnaa in maanta iyo wacyigeeda siyaasadeed aanaan ku mashquulin ee aanu ka fakarno mustaqbalkeena berrito.
—DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Halkaan ka dhegeyso khudbaddii Madaxweynaha Dawladda Puntland.
You must be logged in to post a comment.