PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

State-ka Zhoushan ee Dalka Shiinaha oo Puntland ugu deeqay Riig qoda Ceelasha Biyaha

Share

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Shiinaha ayaa masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxay Dawladda Puntlnd ugu deeqeen riigga ceelasha biyaha qoda .

Masuuliyiinta state-ka Zhoushan ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadanayaan xaaladda biyo la’aanta ee sababtay in abaaraha ka jira Puntland ay soo noq noqdaan, waxayna sheegeen in si deg deg ah ay usoo dirayaan qalabka riigga ceelasha biyaha qoda oo dhamaystiran iyo sidoo kale koox khuburo ah oo u kuurgasha sida looga faa’iidaysan karo biyaha la helo xilliga roobabku ka da’aan deegaanada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale masuuliyiinta state-ka Zhoushan la galay heshiisyo ku salaysan dhinacyada Maalgashiga, Waxbarashada,
Taba-barka xirfadaha iyo iibka Kalluunka howlahaas oo si dhakhso ah loo hirgelin doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxayna ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa maalgashi dhinacyada kabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen arrimaha doorashooyinka ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya, arrimaha abaaraha ka jira Puntland,  waxaana wasaaradda Khayradka, Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumaysiga iyo Wasaaradda Biyaha ay ballan qaadeen inay wafdi kala duwan usoo dirayaan Puntland, wafdigaas oo sahminaya meelaha ugu haboon oo laga samayn karo biyo xireeno lagana qodi karo ceelasha biyaha, si bulshada Puntland ay u helaan biyo ku filan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo usoo gudbi doona Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img-20161202-wa0045 img-20161202-wa0046 img-20161202-wa0047 img-20161202-wa0048 img-20161202-wa0049 img-20161202-wa0051 img-20161202-wa0052 img-20161202-wa0053 img-20161202-wa0092 img-20161202-wa0097

 

2 comments

  1. Waxaan doonayaa :
    In Dawlada Puntland ay kaliya xiriirka ku saabsan u noqday ganasci, taasu waxay ubaahantahay, warshad dadka reer Puntland kaluunka ku suubin karto.
    Waxaa loo baahanyahay maraakiib dadka reer Puntland ku shaqaystaan.
    Haddii taas la helo waxaa shacabku controli karaa malayga badeeda.
    Haddii shisheeye laga adeejiyo badda malay kuma harayo, taasuna ba iyo hoog u so hoyday shacabka reer Puntland ayey noqon haddii ay timaado.
    Waxaan codssnayaa in shacabka Puntland iyo dawlada Puntland ay wada tashadaan sidii danta puntland si wada jira loo meel marin lahaa, iyadoo waligeed laga fakarayo barito iyo Puntland.
    Waxii kale oo puntland uqabsoomi kara ay dawlada iyo shacabku isku meel ugasoo jeedsadaan.
    Puntland nabadi waxkuma yeeshee cadaw utoog hay.
    Araweello waxay dakeeda ku waanisay inay noolaadaan oo Qofkasta gaarkiis isu xilsaaro.
    Haddii ayuu wada jir isuxilsaarno Puntland way samato galin.
    Intiiroon.

  2. Waxii run ah waa la arkin,
    Meeqa balanqaad ayaa horay dalalka Carabtu usiiyeen oo waxba aan looga qaban.
    Meeqa jeer ayaa Garacad, Galkacyo Mudug, iyo Wadada Wanaagsan laga hadlay.

    Xabadda Xaarcoodiga ayey hoosta naga soo galiyeen, oo ciil iyo calool xumo cadaw noo gaystay ayaan lahoyanaa.

Leave a Reply