Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka hadlay adeegyada korontada iyo biyaha magaalada Garowe, kuwaas oo maalmihiil ugu dambeeyay ay ka cabanayeen qaar ka mid ah shacabka caasimadda.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uu shalay booqday shirkadda biyaha Garowe ee NUWACO, islamarkaana uu soo arkay biyo yari jirta, kaddib markii biyo laga waayay qaar ka mid ah ceelashada shirkadda.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xaafado ka mid ah magaalada ay helaan biyo macaan, isaga oo xusay in Garowe noqotay magaalada keliya ee Soomaaliya laga macaaneeyay biyaha.
Wuxuu sheegay in uu socdo qorshe ay wado dowladd Puntland oo kaashanaysa hay’ado caalami ah, kaas oo la doonayo in lagu taageero shirkadda NUWACO, si ay meesha uga baxaan caqabadaha biyaha ee haysta shirkadda.
Dhanka kale madaxweyne Deni wuxuu tilmaamay in bisha Jannaayo ee 2027 uu soo gabagaboobayo mashruuca tamarta ee Bangiga Adduunka ka wado magaalada Garowe, islamarkaana ay koronto jaban heli doonaan shacabka caasimadda.
PUNTLAND POST
