Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha beer loogu magacdaray “Beerta Cagaaran ee Dhaqanka iyo Isku-xirka Bulshada”, taas oo laga hirgelinayo duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe.
Beertan ayaa sheegay in loogu talagalay in ay noqoto goob ay bulshadu ku kulanto, kuna qaadato waqtiyada nasashada, dalxiiska iyo tamashlaynta, isla markaana kor u qaadda isdhexgalka bulshada, bilicda caasimadda, sidoo kalena noqota fagaare ay kuwada hadlaan dowladda iyo bulshada.

Hirgelinta mashruucan waxaa iska kaashanaya dowladda Puntland iyo dowladda Ingiriiska (UK), iyada oo beertan lagu beerayo in ka badan 50,000 oo geed oo kala duwan.
Munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo golaha wakiillada Puntland, masuuliyiinta maamulka gobolka Nugaal, guddoomiyaha degmada Garoowe, masuuliyiinta iyo injineerrada shirkadda Amal Real Estate oo ku guulaysatay fulinta dhismaha beerta, odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
PUNTLAND POST
