
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, xilkaas oo bannaanaa muddo ah dhowr bilood.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilkan u magacaabay xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin oo dhawaan looga adkaatay doorashadii guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaare Xamse markii uu arkay qodobka 120-aad farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay taariikh nololeedka, khibradda iyo aqoonta mudanaha xilka loo magacaabay, markii uu tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cumar Macalin” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse.
Xilkan waxaa banneeyay xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo bishii Agoosto loo doortay guddoomiyaha Golaha Ghacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST