
Dowladda Puntland ayaa ka digtay in lacag madax-furasho ah la siiyo kooxaha Burcadbadeeda ah ee maraakiibta ku haysta xeebaheeda.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa lagu sheegay in dhaqaale la siiyo Burcad-badeedda ay kobcinayso ama dhiirigelinayso falalka burcad-badeednimada.
Puntland waxay tilmaantay in falalka Burcad-badeedda ay hurinayaan kooxo xumaynaya sumcadda Puntland, kuwaas oo aysan magacaabin, inkastoo ay hore ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkan wuxuu ku soo beegmayaa, xilli xeebaha Puntland lagu haysto lix markab, kuwaas oo kooxaha haysta dalbadeen lacago madaxfurasho oo gaaraysa malaayiin doolar.

PUNTLAND POST