Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u soo noqoshada burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.
Madaxweyne Deni oo maanta hadalka jeediyay furitaanka kalfadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Puntland, arrintaas oo uu tilmaamay in looga golleeyahay in uu gacanta ka baxo amniga dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Puntland si dhow ula socota in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale ku bixinayo dhalinyaro maleeshiyaad hubaysan ah oo laga abuurayo deegaano ka tirsan degmooyinka Xaafuun, Bandarbayla, Eyl iyo Jariiban, kuwaas oo uu tilmaamay in qaarkood loo diyaarinayo in ay gacan siiyaan kana qaybqaataan howlgallada burcad-badeeda.
Xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa Bari, Karkaar, Mudug ayaa kooxo burcad-badeed ah ku haystaan ilaa saddex markab oo ganacsi, kuwaas oo dalbaday lacago madax furasho ah.
PUNTLAND POST