Guddiga PEC oo beeniyay in ay xogtii doorashada Puntland u gacan-geliyeen dowladda Soomaaliya

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo saaka warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xubno ka tirsan PEC ay xogtii doorashada Puntland u gacan-galiyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo nareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.

Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn.

“Waxaan cadaynaynaa in Dhammaan Xogaha uu sheegay in cidkale loo gacangeliyey sida; ๐™๐™ž๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™‚๐™ค๐™ค๐™—๐™–๐™๐™– ๐™™๐™ž๐™ž๐™ฌ๐™–๐™–๐™ฃ๐™œ๐™š๐™ก๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™–, ๐™˜๐™ค๐™™๐™—๐™ž๐™ญ๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™–, ๐™ˆ๐™–๐™œ๐™–๐™˜๐™ฎ๐™–๐™™๐™– ๐™‚๐™ค๐™ค๐™—๐™–๐™๐™–, ๐˜พ๐™ค๐™™๐™š-๐™ฃ๐™ช๐™ข๐™—๐™š๐™ง๐™ ๐™– ๐™‚๐™ค๐™ค๐™—๐™–๐™๐™–, ๐™ˆ๐™š๐™š๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™–๐™ฎ ๐™œ๐™ค๐™ค๐™—๐™ช๐™๐™ช ๐™ ๐™ช ๐™ฎ๐™–๐™–๐™ก๐™ก๐™ž๐™ž๐™ฃ, ๐™๐™ž๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™™๐™–๐™™๐™ ๐™– ๐™ž๐™จ-๐™™๐™ž๐™ž๐™ฌ๐™–๐™–๐™ฃ๐™œ๐™š๐™ก๐™ž๐™ฎ๐™š๐™ฎ, ๐™๐™ž๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™˜๐™ค๐™™๐™—๐™ž๐™ญ๐™ž๐™ฎ๐™–๐™ฎ๐™–๐™–๐™จ๐™๐™–, ๐˜ฟ๐™๐™–๐™ข๐™ข๐™–๐™–๐™ฃ ๐™“๐™š๐™š๐™ง๐™–๐™ง๐™ ๐™– ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™ƒ๐™–๐™—๐™ง๐™–๐™–๐™˜๐™ฎ๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™™๐™ค๐™ค๐™ง๐™–๐™จ๐™๐™–๐™™๐™– ๐™ก๐™–๐™œ๐™ช ๐™ข๐™–๐™–๐™ข๐™ช๐™ก๐™ค ay yihiin xogo hore loo baahiyey oo aan sir ahayn lagana heli karo Mareegta Guddiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka guddiga PEC.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST