Xaaladda degmada Badhan oo saaka deggan iyo odayaasha degaanka oo waan-waan ku hawllan

Xaaladda degmada Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen iska hor-imaad hubaysan iyo muddaharaadyo rabshado wata ayaa saaka deggan.

Magaalada waxaa weli ku sugan Rag sheegtay guddiga Siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayo xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre kuwaasi oo shalay iska caabiyay is hor taag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan hore Dhoorre iyo raggiisa ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in xukuumadda Puntland doonayso in la soo qab-qabto.

Waxgaradka iyo odayaasha degmada Badhan ayaa dhinaca kale wada waan-waan lagu dejinayo xiisaddii shalay ka dhacday halkaasi islamarkaana lagaga hortagayo in iska hor-imaad iyo rabshado danbe ka dhacaan magaalada.

PUNTLAND POST