Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo dhisaya isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah Itoobiya

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa lagu wadaa in ay Shir saddex geesood ah ku yeeshaan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay gaaray magaalada Asmara, waxaana la filaya in saddexda Madaxweyne Shir saddex geesood ah oo ku saabsan Arrimaha gobolka ku yeeshaan caasimadda Eritrea.

Ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in Shirka saddex hoggaamiye diiradda lagu saarayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed la saxiixday Muuse Biixi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in hoggaamiyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea shirkaasi ku dhisayaan isbaheysi goboleed millitari oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.

PUNTLAND POST