Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyay ku-tala-galka Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025.

Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528,  oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

“Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay golaha Wasiirada.

PUNTLAND POST