Abiy Ahmed: Dowladda Itoobiya marnaba su’aal gelinmayso midnimada Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta si cad u sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Itoobiya ayaa caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala goynta Soomaaliya islamarkaana marna su’aal gelinayn midnimadeeda.

Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku hayay codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado helitaanka marin badeed oo keliya.

“Codsigan gaarista marin badeedka waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Abiy Axmed.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida marin badeed waxaana uu tilmaamay in ay jid kasta u marayaan arrintaasi.

PUNTLAND POST