Madax ugu badnaa oo ka cudur-daartay imaatinka Caleema-saarka Madaxweyne Deni

Meqaamka Caleema-saarka Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga hoos maray heerkii la filayay, kadib markii ay ka cudur-daarteen madax badan oo lagu casumay.

Wararka ayaa tilmaamaya in badi Siyaasiyiinta Mucaaridka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo lagu marti-qaaday Caleema-saarka Madaxweyne Deni aysan imaan doonin Xafladda.

Inta badan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku sugan Puntland ayaa sidoo kale ka cudur-daartay in ay ka qayb galaan Caleema-saarka Madaxweyne Deni, taasi oo muujinaysa sida loogu kala fogaaday doorashadii uu mar kale ku guulaystay Siciid Deni ee 8 Jan 2024.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar kamid ah Ra’iisul wasaarayaashii soo maray dalka oo casumaad loo diray ayaa dhankooda ka cudur-daartay imaatinka Caleema-saarka Madaxweyne Deni, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Tiradii ugu badnayd ee isimada dhaqanka Puntland, oo ay ku jiraan kuwa kuraas xildhibaanno laga dhacay ayaa sidoo kale ka gaabsaday aqbalaadda marti-qaadka Xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu isna ka baaqday Munaasabadda Caleema-saarka, halka dhinaca kale aysan weli caddayn in uu imaan doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST