
Taliska Somaliland ayaa sida lagu soo warramayo go’aansaday in ay weerar ku qaadaan jiidda Hawdka ee Maygaagle.
Xukuumadda Korneyl Muuse Biixi ayaa jiidda Qorilugud maalmahan ku soo guraysay maleeshiya-beeleed ururis ah oo loo abaabulayo duullaanka cusub.
Wararka dhinaca Amniga ah ayaa sheegaya in Somaliland dagaalkaas u abaabulayso si ay carqalad ugu samayso socdaal uu jiidda ku tegayo Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Dhinaca kale ciidamada SSC oo heegan sare ku jira ayaa si dhaw ula socda dhaq dhaqaaqa Somaliland sida aan ka soo xigannay saraakiisha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.