Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland

Muuqaal: Shirka jaraa’id ee Gaas iyo Cumar

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo uu weheliyo siyaasi Cabdirashiid Maxamed Cabdi ayaa maanta war ka soo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay qodoba kala duwan  xal u noqon kara khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo sababtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Bayaanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in mudadii ay joogaan Puntland ay kulamo kala duwan la yeesheen dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka ah, isimada dhaqanka qaarkood iyo ururrada siyaasadda oo ay kala hadleen khilaafka taagan.

Waxay soo jeediyeen in wakhtigaan laga maarmo furista dastuurka, islamarkaana doorashada madaxtinimada Puntland aysan wakhtigeeda dhaafin dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo hawshaas.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan lagu qabto doorashada saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka haray cod-bixintii guud ee ka dhacday 30-ka degmo.

Halkaan ka akhriso bayaankooda

PUNTLAND POST