Maleeshiyaadka Mahad Cambaashe oo dad rayid ah ku dilay Tuula Samakaab

Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe ee weli taageersan Somaliland ayaa saaka dad shacab ah ku weeraray degaanka Tuula Samakaab ee Gobolka Sool.

Maleeshiyaadka Mahad Cambaashe ayaa sida wararku sheegayaan rasaas aan kala sooc lahayn ku furay shacab ku sugnaa goob meherad ah oo ku taalla Tuula Samakaab.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday weerarka halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

PUNTLAND POST