Wasiir Huruuse oo warbixin siiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Fedraalka Somaliya Mudane Abshir Omar Huruuuse ayaa khadka foggaan aragga kala hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Wasiirka  ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga war bixiyey siyaasadda qurba joogta Soomaaliyeed oo markii ugu horraysay laga sharciyey dalka, waxa una tilmaamay in kaalin muuqato ay jaaliyadda soomaaliyeed ka qaateen dib u dhiska waddanka.

Wasiir Huruuuse ayaa intaa ku daray in ay qaban doonaan shirweyne qurba joogta isugu imaan doonaan meela kala duwan si ay uga tashadaan kaalinta ah ka qeyb galka hormarka socda sidoo kalana loo fududeeyo in jaaliyadda soomaaliyeed ay ka qeyb qataan maalgashiga dalka.

PUNTLAND POST