Muxuu yahay wefdiga u imaanaya dhex-dhexaadinta Siciid Deni iyo Xasan Sheekh?

Wefdi ka socda Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Wefdiga oo ka imaanaya Muqdisho ayaa Garoowe u imaanaya in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan kulamadii ay yeesheen Siciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud aysan wax horu-socod ah ka samayn, islamarkaana wakhti dheeriya lagu daray mudada Madaxweyne Xasan Sheekh joogayo Garoowe, si loo xalliyo is-marin waaga taagan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la arag tan iyo markii uu Garoowe yimid ayaa lagu wadaa in Caawa loo sameeyo Kulan Casho ah xilli aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay wada-hadalkii u socday labada dhinac.

PUNTLAND POST