Golaha Shacabka oo ansixiyay xubnaha ku mateli doona guddiga dib u eegista dastuurka

Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay shanta (5) xubnood ee ku mateli doona guddiga kor joogteynta dib u eegista dastuurka.

Shanta xunbnood oo labo ka mid ah ka soo jeedaan deegaannada Puntland ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh – Puntland
2. Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed – Puntland
3. Xildhibaam Cabdulaahi Abuukar Xaaji ( Cabdullaahi Carab) – Jubaland
4. Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) – Galmudug
5. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid – Koonfur Galbeed.

Guddiga kor joogteynta dib u eegista dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo ka kooban labada aqal, waxaana 5-ta xubnood ee Aqalka Sare la ansixiyay bishii June, kuwaas oo kala ah.

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale
(Qaybdiid) – Galmudug
2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) –Jubaland
3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Jubaland
4. Senator Saalax Axmed Jaamac –Somaliland.
5. Senator Xasan Xuseen Xaaji – Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST