Muqdisho (Wararka PP) — Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa heshiisyadii lala galay Coastline Exploration (oo magaceedii hore ahaa Soma Oil & Gas) ku tilmaamay tallaabo lagaga faa’iideysanayo Kheyraadka tamarta Soomaaliya.
Coastline Exploration Ltd ayaa hambalyo u soo dirtay Cabdirisaaq . “Waxaan bogaadinaynaa Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Waayo-aragnimasiisu iyo xeeldheeridiisu kaalin ayay qaadan doonaan markaannu Dowladda kala shaqaynayno ka faa’iideysiga kheyraadka tamarta billowga ah ee Soomaaliya” ayay Coastline Exploration ku soo qortay boggeeda Twitter.
Bishii Febraayo 2022 ayuu Wasiir hore ee Batroolka Cabdirashiid Maxamed la saxiixday Coastline Exploration heshiis wax-soo-saar wadaag ah isagoo jabiyay wareegto madaxweyne mamnuucday heshiisyo dowladda federaalku la gasho dalal ama shirkado inta lagu jiray xilliga kala-guurka. Heshiiskaasi waa caqabad sharci oo soo foodsaartay dowladda federaalka mana cadda sida ay ka yeelayso heshiis uu Wasiir si sharci-darro ah u saxiixay saameeyntiisuna ka daran tahay Heshiiskii Is-afgarad ay dowladdii ku meelgaarku 2009kii la saxiixatay Kenya.
Laba sano ka hor ayay Soma Oil & Gas beddeshay magaceedii. Waa shirkad aan lahayn taariikh shidaal baaris. Waxay ku doodeysaa in heshiiska wax-soosaar wadaaggu sharci ku salaysan yahay maadaama uu saxiixay Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed oo xilka wareejinaya isaga oo ay xeer ilaalintu baareyso sharcinimada heshiiska.
©* Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.