SOMA OIL OO LOO BIXIYAY COASTLINE EXPLORATION

Muqdisho (PP) – Shirkadda Soma Oil, oo kaalin horseed ah ku lahayd sahaminta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya, ayaa magaceeda u beddeshay Coastline Exploration.

Shirkadda, oo uu guddoomiye u ahaa Guddoomiyihii hore ee xisbiga Muxaafidka Biritayn Micheal Howard, waxay sanadklii 2013-kii heshiis la saxiixatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaasi wuxuu keenay in sahamin lagu sameeyo xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya iyo in baarlamaanka Soomaaliya dejiyo xeer shidaal oo sal u noqon doona qaybsiga hantida ka soo bixi karta xaraashka ceelasha shidaal, haddii guul laga gaaro sahaminta.

Ma cadda in Micheal Howard weli yahay Guddoomiyaha Coastline Exploration

Wargeyska Financial Times ayaa ku tilmaamay Soma Oil ( ka hor intaysan magaca beddelin) shirkad ka mid ah heshiiska shirkaddu gashay ku tilaamay mid soo jireen ah ( legacy agreement) oo Soomaaliya heshiis la saxiixday sida ConocoPhillips.

Bogga shirkadda Coastline Exploration ku leedahay Internetka muu bixinayo faahfaahin ku saabsan madaxa iyo guddiga maamulka shirkadda. “Waannu ognahay in hawlaheennu saamayn ku yeelan karaan beelaha aannu ka dhex shaqayno. Waxaannu ku dadaalaynaa inaannu yarayno saamaynta deegaameed, waxaannuna u duubanaynaa la dagaallanka saamaynta bulsheed oo ba’an  sida ku xadgudubka xuquuqda aadanaha” bay shirkaddu ku qortay boggeeda.

“Danaha Biritishku ka leeyahay Soomaaliya ayaa dhaliyay inuu dabada ka riixo ka bixistii ku meel gaarka si shirkadaha dalkaas heshiisyo ula galaaan dowladdda Federaalka Soomaaliya oo magac uun kaga duwan dowladdii ku meel gaarka ay beddeshay 2012-kii” buu Daahir Cali, gorfeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho, u sheegay Puntland Post.

Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay Soma Oil in ay wax isdabamarin samaysay. Xafiiska Wax-isdabamarinta Ba’an (Serious Fraud Office) ee Biritayn ayaa baaritaan ku sameeyay shirkadda, waayayna caddaymo in shirkaddu ku kacday eedeymaha loo soo jeediyay.

© Puntland Post, 2020