Barlamaanka Puntland dadka ayuu u hiilliyay

Cali Muuse Yuusuf (Kilwe)

Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada Barlamaanka Puntland oo bannaanka soo dhigay sida sharcidarrada ah oo dowladda Puntland ay u bixiso shatiyada kalluumeysiga loogu talagalay shirkadaha shisheeye.

In ka badan kun doonyood ayaa shatiyo la siiyay; shatiyada waxaa qaarkood bixiyay dad aan dowladda Puntland ka tirsanayn. Dastuurka Puntland wuxuu awoodda oggolaanshaha bixinta shatiyada siinayaa Barlamaanka Puntland oo ay dowladihii kala dambeeyay ee Puntland la dhinac mareen bixinta shatiyada.

Waa guul in xildhibaannadu ka dhiidhiyeen in magacooda Madaxtooyadu ku sii adeegato. Shaki kuma jiro in kuwa shatiyada kalluumeysiga bixiya sheegtaan in Baarlamaanka Puntland uu oggolaaday go’aanka dowladdu ama qowlaysato ay ku siiso shirkad kalluumaysi shati.

Waxaa caddaatay in lacagaha shirkadaha kalluumaysigu bixiyaan ku dhacdo jeebabka kuwa shatiyada bixiya. In ka badan 23 sano ayay shisheeyuhu ka kalluumaysanayeen xeebaha Puntland iyagoo badankood oggolaansho ka haysta dowladda Puntland.

Shirkaddii Hart oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf keenay ayaa ugu horreysay shirkad shati la siiyay, inkastuu sheegay in lacagta Hart ay bixisay lagu shubay khasnadda dowladda Puntland.

Lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga waxaa wax loogu qaban karay dadka ku tabaaloobay abaaraha. Puntland waxay leedahay dabaqad siyaasadeed oo ku bullaashay saboolnimada dadka u baahan adeegyo bulsho sida cisbitaallo, dugsiyo, qorsheyaal abaar u diyaargarow iwm.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland waxay muujiyeen geesinimo ku dayasho mudan. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa inuu la wadaago Barlamaanka Puntland sababaha loo lunsado lacagaha shirkadaha kalluumaysigu bixiyaan. Waxaan sidoo kale u hambalyaynayaa Puntland Post oo laba warbixinood ka qortay baaxadda isla xisaabtan la’aanta ku saabsan shatiyada kalluumeysiga magaca Puntland lagu bixinayay ku dhowaad rubac qarni.

Cali Muuse Yuusuf (Kilwe), Boston, USA