
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa diiday ansixinta mas’uuliyiinta magacaaban ee maxkamadda sare ee Puntland.
Fadhiga waxaa soo xaadiray 43 mudane, waxaana shir-guddoominayay guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu weheliyo ku xigeenkiisa kowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.
23 Xildhibaan ayaa u codaysay ansixinta garsoorayaasha maxkamadda, waxaa diiday11 mudane, halka ay ka aamuseen 9 xubnood
Codaynta ka hor, kulanka waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo xildhibaannada ka dalbanaya in ay ansixiyaan maxkamadda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.